Puntland: Ilaalinta degaanka iyo ka hortaga jarida dhirta oo la dardargelinayo

Image
Guddoomiyayaasha degmooyinka dhaca xeebaha Puntland ayaa shirkan uu ugaar ahaa.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda deegaanka, daaqa iyo duur-joogta Dowladda Puntland , ayaa guddoomiyayaasha degmooyinka dhaca xeebaha Puntland kala shirtay sidii kor loogu qaadi lahaa dedaalada ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga jaridda dhirta.

Wasiir ku-xiegenka ahna ku-simaha wasiirka Wasaaradda deegaanka, daaqa iyo duur-joogta Dowladda Puntland Yacquub Cali Axmed oo Garoowe kula kulmay guddoomiyayaasha 14 degmo oo dhaca xeebaha Puntland ayaa xusay in haddii aan gacmaha laysu qabsan ilaalinta deegaanka ay nolosha bulshadu halis wajahayso, isagoona bogaadiyey degmooyinka qaar hab isku tashi ah wax ku qabsaday si ay deegaanka u ilaaliyaan.

"Waxaad ogtihiin deegaanku haddii aan la ilaalin inuu khatar kujiro, sida ay ku socotona aan lagu eegan karin haddii aan wax laga qaban oo isku tashi bulsho iyo dowladeed la samayn. Waxaa jira degmooyin horumar badan ka sameeyey ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka deegaanka waxaana loobaahan in degmooyinka kale ay ku daysaan", Wasiir ku-xiegenka ahna ku-simaha wasiirka Wasaaradda deegaanka, daaqa iyo duur-joogta Dowladda Puntland Yacquub Cali Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM