Puntland: Indonesian xorriyadoodii dib u helay Garowe

Image

03 January, 2015(GO)-Maxkamadda gobolka Nugal ayaa xorriyadood dib u siisay labo nin oo u dhashay dalka Indonesia kuwaas muddo kabadan saddex bilood ku xirnaa magalada Garowe kadib markii lagu soo eedeeyay arrimahan hoose;

  • Ku xadgudub Badda deegaanka Dowladda Puntland
  • Ka Kalluumeysi sharci-darro ah
  • Ogolaansho been abuur ah lagana been abuuray Decumentiga Dowladda Puntland
  • Xaalufin Badeed deegaanka Xeebaha Puntland
  • Ka kalluumeysi shabaago Jariif ah
  • Waxyeelayn,burburin, qaadasho si xoog ah qalab kalluumeysi ay lahaayeen kalluumeysatada deegaanka
  • Sumeyn iyo wasakheyn ay ku sameeyeen Badda Puntland
  • Qaadasho si sharci-darro ah kalluun tankiisa aan lagu qiyaasay 2500 tan bishiiba.

Dacwadda la xiriirta eedda raggan ayaa dhawr jeer la keenay maxkamadda, waxaana markii ugu dambaysay qareenka u doodayay labada nin ee lagu magacaabo Mohli batiwawa iyo Cabdcasis Hermans ayaa laga codsaday inuu soo dhamaytiro waxyaabaha uu ku difaacayo.

Shalay 02 January, ayaa la shaaciyay in labadan ruux xorriyadoodii la siiyay kadib markii lagu waayay wax dambi ah, waxayna kamid ahaayeen 34 qof oo laga soo bad baadiyay doon ku soo caariday xeebta degmada Eyl gobolka Nugal.

Siidaynta laba qof ayaa kusoo beegantay xilli dalka Somalia uu kasocdo Jariif gaaray heerkii ugu sarreeyay, waxaana laga cabsi qabaa inay dib usoo laabtaan falalkii burcadnimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM