Puntland iyo Beesha Caalamka oo ku heshiiyay wadashaqeyn dhow

Image
Dowladda Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka ka socda Puntland gaar ahaan Amniga.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Said Abdullahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Dowladda Puntland iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha oo maanta ku qabsoomay Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxman Faroole ayaa qayb ka aha wegtiga madaxweynaha siga oo wasiirku ka hadlay arimaha iyo xaaladaha deegaanka haysa in wax laga qabto .

Wakiillada beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ka qeybgalay Shirka ayaa kala ah : UN, Midowga Europe, Canada, Germany , UK, Sweden , Netherlands, Finland, Denmark, Norway , Switzerland, France , USAID, World Bank iyo African Development Bank.

Dowladda Puntland Ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka ka socda Puntland gaar ahaan Amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada , dimuqraadiyadda iyo fursadsiinta dhallinyarada iyo Haweenka.

Sido kale Dowladda Puntland waxay beesha caalamka kala hadashay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha iyo in la hubiyo in deeqaha Beesha Caalamku ay si siman u gaaraan dadka loogu talagalay.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhinacooda Puntland ugu hambalyeeyay hirgelinta hanaanka dimquraadiyadda Puntland soona dhoweeyay xoojinta wada shaqeynta.

Madaxweynaha waxaa kulanka kala qeybgalay xuhno ka mid ah Golaha Xukuumadda , La-taliyeyaal Madaxweyne , Wakiilka Puntland ee Kenya iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM