Puntland iyo DP World oo is-faham cusub ka gaarey dekada Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta kulan la qaatay madaxda Shirkadda DP-WORLD.

DUBAI, UAE - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta kulan la qaatay madaxda Shirkadda DP-WORLD si loo dardargeliyo oo dhakhso loo billaabo dhismaha iyo balaarinta dekadda Boosaaso.

Deni ayaa kulan mirro dhal ah la qaatay Suhail Al Banna oo ah Masuulka DP-WORLD u qaabilsan Bariga dhexe iyo Africa, waxaana la isla gaaray in sida ugu dhakhsiyo badan loo billaabo Balaarinta iyo Dhismaha Dekadda Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland kuwaasi oo markii Kulanku dhammaaday booqasho ku tegay Dekadda Jabal Cali iyo Xafiiska DPWORLD.

Madaxweyne Deni, ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimi dadaal ku bixiyey Sidii loo dhaqaajin lahaa Shaqada balaarinta Dekadda Boosaaso, waxaana ugu danbeyn laga gaaray guulweyn oo ah in dhowaan uu bilowmayo mashruuca balaarinta Dekadda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM