Puntland iyo Midowga Yurub oo ka shiray la dirirka burcad badeeda

Image
Kulankan ayaa waxa uu ka dhex dhacay markab dushiisa kaasoo yimid xeebta magaalada Boosaaso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasime Ku-xigeenka Guud ee ciidamada PMPF Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan Saraakiisha Sar-sare ee ciidamada PMPF ayaa kulan kula qaatay Badda magaalada Boosaaso Saraakiisha mid ka mid ah Maraakiibta Dagaal ee Midawga Yurub, gaar ahaan Hawlgallada EU-NAVFOR ATALANTA ee ilaalada Badaha Soomaaliya, markabkaas oo lagu magacaabo ESPS NUMANCIA.

Agaasime Ku-xigeenka Guud ee ciidamada PMPF Maxamuud Silaal Cumar iyo Taliyaha Guud ee Markabka Admiral Manuel ALVARGONZÁLEZ MÉNDEZ oo ay weheliyaan Saraakiisha Markabka ayaa ka wadahadlay xoojinta wadashaqaynta labada dhinac, dar-dargelinta hawlgallada ka dhan ka ah Burcad Badeedda, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka sharcidarada ah, Daroogada, ladagaalanka Argagixisada Badaha iyo waxkasta oo liddi ku ah amniga iyo xasiloonida.

Sidoo kale intii kulanku socdey waxaa si dhow la isula qiimeeyey maxsuulka ka dhashay wadaagista xogaha falalka Burcad Badeedda iyo guulaha laga gaaray hawlgallada wadajirka ah ee lagaga hortegey, kuwaasi oo horseeday in si dhow loola socdo xogtooda, lana fashiliyo goor-horeba isku daygooda abaabulan ee Bad iyo Beriba.

Ugu dambayn, Taliska Guud ee Ciidamada PMPF iyo Hawlgalka EUNAVFOR Operation ATALANTA ayaa hoosta ka wada xariiqay in si ka dhaw sidii hore loo horumariyo hawlgallada iyo iskaashiga xogaha Amniga Badaha, si looga hortago goor-horeba falalka Amnidaro ee ka dhicikara Badda oo ay ugu mudan tahay kuwa Burcad Badeedda iyo Argagixisada Badaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM