​Puntland iyo Somaliland oo maxaabiis lakala wareegay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Deegaan ku yaala xuduuda ay wadaagaan Puntland iyo Somaliland, ayaa Maanta lagu qabtay  kulan lagula kala wareegyay dad shacab ah oo si maxabiis ahaan loogu kala qabsaday magaalooyinka Burco ee xarunta Gobalka Togdheer ee Somaliland iyo Magaalada Garowe ee xarunta Dowlada Puntland.

Madasha dadkaasi la isku dhaafsanayay, waxaa ku sugnaa; Guddomiyaha Awdal iyo Nugal, Odayaal, Waxgarad, Salaadiin iyo ganacsato kuwaasoo marag ka ahaa maxaabiista la is-dhaafsaday.

Dadka maamulladu is-weydaarsadeen ayaa tiro ahaan gaarayay ilaa Sideed ruux oo dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ku  kala xirnaa Magaalooyinka Burco iyo Garowe.

Sidoo kale laba ka mid ah Gawaarida rakaabka ah ee ka dhex shaqeeya labada maamul ayaa goobta lagula kala wareegay.

Jaamac Salaad Maxamudu dhagadheer oo ka mid ah Dadkii sida weyn uga shaqeeyay sidii howshan loo dhameyn lahaa ayaa goobta ka hadlay isagoo sheegay in labada maamul aysan kala maarmin islamarkaana dadku ka dhaxeeyo shaqooyin iyo xiriir qoto dheer, wuxuuna ugu baaqay in la joojiyo arrimaha keenaya in dad lakala afduubto.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, ayaa isna sheegay in arrintan xiriir qoto dheer ka dhex bilowday maamullada Somaliland iyo Puntland.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobala Togdheer Maxamed Cabdi Qabyo ayaa xusay in talaabadan dadka shacabka ah ee lagu kala Afduubay Magalooyinka Burco iyo Garowe  ay dhibaato dhinaca isu socodka dadka iyo gaadiidka keenayso isagoo ku baaqay in la joojiyo.

Dadkan ayaa loo kala qabsaday is faham waa dhexmaray shacab kasoo kala jeeda Burco iyo Garowe taasoo  markii dambe xal laga gaaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM