Puntland iyo Sweden oo la mataanaynayo

Image

Isniin, Sept 15, 2014- (Garowe Online) Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xiriirka Caalamiga ee Baarlamaanka Puntland Siciid Cabdi Samatar (Surcad) ayaa dalka Sweden u jooga mataanaynta gobalka Vastraland iyo Puntland.

Surcad oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay ahmiyad ballaaran ugu fadhido xiriirka mataanaynta Puntland iyo Sweden oo wax badan ka badali doonna baahida caafimaad, waxbarashada iyo addeega bulshada, wuxuuna intaas ku daray inuu kulammo kala duwan caasumadda labaad ee Sweden kula qaatay masuuliyiinta gobalka Vastraland iyo Jaaliyadda Puntland.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay suurtagalnimadda barnaamijkan oo Puntland ay faa'iido badan ka heli doonto iyo sidii ay madaxda Vastraland usoo booqan lahaayeen goballadda Puntland si ay usoo arkaan nidaamka ka jira iyo nolosha dadka.

Xildhibaan Siciid Samatar ayaa xusay waxyaabaha ay ka barteen Sweden inay ka mid tahay qaabka doorashada axsaabta badan, nidaamkaas oo lagu rajo weyn yahay inuu Puntland ka dhaqan galo marka la gaaro doorashada soo socota.

Marka laga tago mataanaynta Vastraland iyo Puntland dalka Maraykanka gaar ahaan Minnesato waxaa ka socda mataanaynta Bosaso iyo Minneapolis iyadoona qorshahaas ay wadaan masuuliyiin uu ka mid yahay Cabdi Warsame oo laga soo doorto xaafadda lixaad ee Minneapolis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM

Soomaaliya: Hoggaamiyaha Daacish oo La La’yahay Iyadoo Kooxdiisa looga adkaadey Dagaalka Cal-Miskaad  

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore si maldahan u sheegay in Muumin laga yaabo in la dilay.

  • Puntland

    22-10-2025

  • 06:06PM