Puntland iyo UN-ka oo ka shiray doorashooyinka Soomaaliya

Image
Is-aragan ayaa ka dhacay Madaxtooaydda magaalada caasimadda ah ee Garowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wefti ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Anita Kiki Gbeho waxaa kulanka ku wehliyeyWakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.

"Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Puntland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaana Madaxweynaha Kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland".

Is-araggan ayaa kusoo aadaya xilli xulista xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay mareyso heer gabo-gabo ah isla markaana Puntland ay asbuucii hore soo afmeertay degaan doorashada labaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM