Puntland iyo UN-ka oo ka shiray doorashooyinka Soomaaliya

Image
Is-aragan ayaa ka dhacay Madaxtooaydda magaalada caasimadda ah ee Garowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wefti ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Anita Kiki Gbeho waxaa kulanka ku wehliyeyWakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.

"Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Puntland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaana Madaxweynaha Kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland".

Is-araggan ayaa kusoo aadaya xilli xulista xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay mareyso heer gabo-gabo ah isla markaana Puntland ay asbuucii hore soo afmeertay degaan doorashada labaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM