​Puntland: Kalfadhiga Barlamanka oo baaqday iyo Xildhibaano ka hadlay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta baaqday Kalfadhiga dastuuriga ah 38aad ee Barlamanka Puntland, kaasoo qorshuhu ahaa inuu 25 bishan furmo, balse Xildhibaanada ayaa saaka tagay hoolka oo xiran, waxayna warbaahinta uga warameen arrimaha sababay.

Qaar kamid ah mudanayaasha Barlamanka, ayaa qorshahan ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Puntland iyo Guddoonka Barlamanka.

Xildhibaanada oo qaybtood saxaafadda kula hadlay magaalo madaxda Puntland, ayaa sheegay in dastuurku dhigayo in Kalfadhiyada labada ah ee Barlamanka uu furo madaxweynaha talada haya hadii uu ku suganyahay dalka, waxayna tagistiisa magaalada Bosaso ku macneeyeen inay ahayd qorshe uu ku talo galay.

Waxa xuseen in dalka ka jirto xaalad adag oo Abaaro, colaadda iyo doorashooyin isugu jira, sidaas awgeed madaxweynaha looga baahnaa inuu golaha Wakiillada shacabka uga warbixiyo arrimaha socda.

Dhinaca kale qaar kamid ah mudanayaasha ayaa duray Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, iyagoo ku eedeeyay inuu u furi waayay xarunta Barlamanka, qaybna ka qaatay inuu baaqdo kulankoodu.

Cududaarka madaxweynaha, ayay ku sheegeen mid aan la aqbali karin islamarkaana loo baajin karin fadhi kamid ah Kalfadhiyada Barlamanka Puntland.

Eedaha Xildhibaanada ma jirto cid katirsan xukuumadda oo ka hadashay.

Baaqashada kulanka Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe, ayaa timid xilli madaxweyne Gaas shalay ka dagay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, maadama fadhiga Xildhibaanadu kusoo aaday xaalad adag oo ay ugu darantahay abaarta waddanka ka jirta ee aan xukuumaddu wax ka qaban iyo dagaalka magaalada Galkacyo ee galay todobaadkii Saddexaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM