Puntland: Khilaaf u dhexeeya Madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey

Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweyne Gaas iyo ka-xigeenkiisa Cabdixakim Camey kaasoo dhinaca kale xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland qayb ka yihiin.

Khilaafkaan ayaan xog rasmiya laga hayn waxaa uu salka ku hayo balse waxaa la rumeysan yahay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland ku qanacsaneyn arrimo badan oo la xiriira la tashiyo la'aan uu ka tirsanayo Madaxweynaha Puntland.

Xogtaan ayaa sheegeysa in dhowaan xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland kulan la yeesheen Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas kuwasoo u sheegey iney Wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland kaasoo kaga codsadeen inuusan soo faragalin.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Madaxweynaha Puntland xildhibanadaas u sheegey inuusan waxba ka qabin mooshinkaan hadii uusan khalkhal siyaasdeed oo kale abuureyn.

"Waa jiraa xildhibaano wada mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaa kulan la yeesheen Madaxweynaha Puntland inkastoo aan rumeysanahay inuusan aheyn mid sidaas u xoog badan islamarkaana tageero badan haysta" sidaas waxaa warsidaha GO u sheegey xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo magaciisa diidey.

Sanadkii hore ayey aheyd 28/10/2015 markii uu iscasiley Gudoomiyhii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire kadib markii Xildhibanaada Barlalamanka kalsoonisa kala noqdeen.

Xil ka qaadista Gudoomiyihii hore Puntland Siciid Xasan Shire ayaa waxaa ka dambeeyey ku-xigeenadiisa iyo qaar ka tirsan guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland kuwasoo ka hor inta ay talaabadaan qaadin Madaxweyne Gaas la socodsiiyey islamarkaana ka heley ogolaansho ah inuusan Waxba ka qabin.

GAROWEONLINE 


Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM