​Puntland: Kulan kasocda magalada Garowe

Image

GAROWE- Kulan dag dag ah ayaa magaalo madaxda Puntland uga socda Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, guddiga nabad galyada iyo saraakiisha ciidamada, waxaana looga hadlayaa xaaladda soo korortay ee degmada Garacad gobolka Mudug.

Shirkan ayaa looga wada xaajoonayaa qaabka laga yeelayo xaaladda degmadaasi oo galinkii dambe maanta gacanta ku dhigeen mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab oo doonyo kasoo raacay magalada Xarar-dheer ee isla gobolkaasi.

Lama hayo tirada rasmiga ah ciidamada qabsaday magaalo xeebeedka dhacda gobolka Mudug, waxaase soo baxay warar kala duwan oo qaybtood sheegayaan inay gaarayaan ilaa 150 kuwaasi oo wata hub kala duwan.

Waxaa adag in la helo xogta rasmiga ah ee degmadaasi, balse xiriiro kala duwan oo aan samaynay, waxaan naloo xaqiijiyay in mallayshiyaadkaasi jareen isgaarsiinta magalada islamarkaana dadka deegaanka ku amreen inaysan dhaq-dhaqaaq samayn, waloow dadka qaybtood arrintaasi ka dhago adaygeen oo isaga baxeen Garacad.

Wararka ayaa intaasi ku daray in doonyaha kasoo baxay Xarar-dheer intaasi kabadnaayeen oo aysan ku hakan degmada.

Ilo wareedyo madax banaanayaa xusaya in maalmihii ugu dambeeyay kooxo katirsan ururka Shabaab isku aruursanayeen qaybo kamid ah gobolka.

Wixii kasoo kordha wararkaasi dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM