Puntland: Liiska xubnaha cusub ee golaha Degaanka Dangorayo, muran ka taagan

Image

DANGORAYO- Waxaa Degmada Dangorayo oo ka tirsan gobolka Nugaal gudi ka socda dowlada Puntland kasoo saareen Liiska xubnaha cusub ee golaha Degaanka degmadaas. 

Xulista golaha Degaanka Degmada Dangorayo ayaa muran ka dhex dhaliyey Qabaa'ilka halkaas daga kadib markii ka isku qabtey magacaabista xubnaha.

Qabaa'ilka dega Degmada qaar ka tirsan ayaa dalbanayey in xubno loogu daro tirada golaha Degaanka oo ka kooban 21 xubnood.

Degmooyinka Puntland oo golayashooda Degaanka u qaybsan yihiin A iyo B iyadoo loo eegayo baaxada iyo tirada dadka ku nool ayaa xukuumada Madaxweyne Cabdiweli sharcigii u yiiley jabisey.

Degmooyinka A ayaa tirada golaha degaankooda waxaa uu ka koobnaa 27 xubnood Halka kuwa B loogu yeerey Xildhibanada ahaayeen 21. 

Sharcigaas ayaa xukuumada Puntland jabisay isagoo aan la horgeyn Barlamanka iyadoo degmooyin A iyo B oo la soo dhisey dhowaan xubno cusub lagu darey.

Talaabadaan ayaa dhiiri galisay in qaba' Ilka doonaan in golayaasha Degaanka ku darsadaan xubno dheraad ah taasoo keentey iney adkaato in la dhiso. 

Dhinaca kale Muranka ka taagan Degmada Dangorayo ayaa waxaa uu la xiriira kadib markii xubnaha dowlada ka socda lagu tuhmey iney xilkaan la rabaan xubin u taryameysa Duqa degmadaas.

Dhismayaasha golaha Degaanka Puntland ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey waxaa hareeyey muran iyo is-qab-qabsi kuwasoo qaarkood ku dhamaadey Maxkamad.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM