Puntland "ma aqoonsanin lamana hadli doonno maamulka Gal-mudug"

Image

July 6, 2015 (GO)- Puntland ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn islamarkaana wax wadahadal ah la geli doonin maamulka Galmudug, maalmo kaddib markii madaxweynaha cusub ee maalmulkaasi sheegay inay diyaar u yihiin wada-xaajood dhex mara iyaga iyo Puntland, si khilaafka jira xal looga gaaro. HALKAN KA EEG

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC, ayaa sheegay in Puntland aqoonsaneyn islmarkaana la hadli doonin maamulka cusub ee Gal-Mudug, inta uu sheeganayo dhul ka tirsan Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Soo-cadde ayaa dhanka kale ku tilmaamay Madaxweyne Cabdikariim Guuleed iyo xulufadiisa, koox qaswadeyaal ah oo laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan metelin dadka gobollada dhexe ujeedadooduna tahay inay dadka walaalaha ah iska hor keenaan.

"anagu Cabdikariim iyo raggiisa waxan u aragnaa rag xamar laga soo abaabulay oo aan ku imaan rabitaanka dadka gobollada dhexe...Puntland waa dowlad...Cabdikariim hadii uu cid la hadlayo wuxuu la hadlayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka ay xuduudka leeyihiin" ayuu yiri.

Hadalka kasoo baxay Puntland ayaa imaanaya saddex maalmood kadib markii Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu wada hadal la furo Puntland iyo Ahlu-Sunna. 

Guuleed ayaa xusay in Galmudug qorshaha ugu jirin inay dhibaateyso maamullada deriska la ah gaar ahaan Puntland, balse taas beddelkeeda ay u muujin doonto walaanimo, nabad iyo deris wanaag. 

Waxaa xusid mudan in dastuurka maamulka Galmudug ay ku qoran tahay in xuduudka dhanka waqooyiga ee maamulkaasi ku egyahay gobolka Nugaal, arrintaas oo dowladda iyo dadweynaha Puntland ku tilmaameen mid daan-daansi ah islamarkaana aan la aqbali karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM