​Puntland "Maanta laga bilaabo waa xirantahay xuduudeenu" [Dhagayso]

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Dowladda Puntland ayaa maanta hirgalisay wareegto dhawan kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Camay, kaasoo laamaha ammaanka lagu farayay inay baaritaan ku sameeyaan gawaarida kasoo galaysa Koonfurta Somalia intaysan usoo gudbin gudaha maamulkaasi.

Shir jaraa'id oo magaalada Galkacyo warbaahinta ugu qabtay Afhayeenka xukuumadda Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel, ayaa ku sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 01 September, 2016 ay xirantahay xuduuda Puntland isagoo sheegay in laamaha ammaanku uga howlgalayaan sidii loogu talo galay.

Quraan Jecel ayaa u digay gawaarida iyo ganacsatada iska leh kuwaasoo ugu baaqay inay u hogaansamaan ammarka dowladda, isagoo ciddi hareer marta ku sifeeyay kooxo u adeega Al Shabaab.

Wuxuu xusay in qorshahan uusan ahayn mid lagu kala dhantaalayo isu socodka bulsha, balse wuxuu sheegay in lagu adkaynayo ammaanka.

Hadalkan ayaa yimi xilli  maanta Kantaroolada magaalada Galkacyo lagu heliyay gawaari xammuul siday kuwaasoo u socday Puntland iyo Koonfurta Somalia.

Arrintan waxaa horay walaac uga muujiyay ganacsatada iyo maamulka Galmudug, balse waxaa goor sii horaysay tallaabadaasi ganafka ku dhuntay Camay oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magaalada Galkacyo, isagoo sheegay inaysan gor-gortan amniga Puntland cidna kala gali doonin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM