Puntland: Maayarka Garoowe oo amar dul-dhigay Cagaf-cagafyada

Image

GAROOWE, Puntland- Amar kasoo baxay maamulka dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa lagu mamnuucay in Cagaf-cagafyada ka dhex shaqeeya caasimadda Puntland aysan ka bixi Karin magaalada amar la’aan.

Maayarka magaalada Axmed-dek Ayax ayaa wareegto uu saaray ku sheegay in gaadiidka noocaas ah markii ay ka baxayaan magaalada horay ay horay uga sii qaataan dowladda hoose ruqsada ogolaanshaha.

Gaadiidkii qaadan waaya ruqsadda dowladda hoose sheegtay ee la qabto iyagoo howlgal ku jira, ayaa Guddoomiyuhu tilmaamay inay la kulmi doono ciqaab adag oo gaaraysa $1000 (Kun Dollar) iyo in la xiri doono wadaha Cagaf-cagafta kasoo lala tiigsan doono sharciga.

Gaadiidkan ayaa inta badan gudaha magaalada Garoowe ka shaqeeya calaamadaynta boosaska bannaan ee dadweynaha, taasoo sare u sii qaaday muranka dhulka oo kor u kacay caasimadda Garoowe.

Isla todobaadkan Maayarka caasimadda Garoowe ayaa hakiyay in wada-xaajood laga galo muranka dhulka inta laga helayo gole deegaan oo rasmi ah iyo dhismaha guddiga xallinta khilaafaadka dhulka.

Lama oga arrintan waxa ay ka badali doonto dhibaatada dhulka ku salaysan ee ka taagan magaalada Garoowe, balse Maayarka cusub ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono arrintan mudada uu xafiiska joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM