Puntland: Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo is-dhaliilay

Image
Munaasabadda ayaa kusoo aadaysa xilli shacabka Puntland ay ka cabanayaan dhaqaale darro.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhaliilay hab-dhaqanka shacabka ee xukuumadiisa. Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad Khamiista maanta ah lagu qabtey magaalada Boosaaso.

Xafladaas ayaa waxaa ciwaan looga dhigay "Bangiga wax-qabadka xukuumadda Puntland". Hase ahaatee, Deni wuxuu xaqiijiyey in ay jiraan daldaloolo iyo gaabis ay wasiiradiisa mas'uul ka yihiin.

Jidadka oo shacabka laga xiro xiliyada ay masuuliyiinta sare booqanayaan meelo kala duwan ayuu ku tilmaamay "mid aan loo baahnayn". Balse, kama uusan bixin cudurdaar rasmi ah.

"Hadda markaan soo socday jidadka dhan waa xirnaayeen, nolosha dhan ayaa la adkeeyay arintaas sax ma ahan in aan isku kalsoonaano maxaa diidaya," ayuu ka dhawaajiyey.

Shacabka Boosaaso ayaa ka cabanaya in maalintii shanaad uu xadidan yahay guud ahaan dhaq-dhaqaaqa magaalada iyada oo la xiray wadooyin hal-bawle u ah halka kuwa kalena la xadiday.

Munaasabadda ayaa kusoo aadaysa xilli shacabka Puntland ay ka cabanayaan dhaqaale darro iyo adayg xagga nolosha ah maadaama xukuumada ay meesha ka saartay isticmaalka shilinka Soomaaliga.

Hawlaha la qabanayo ayuu madaxweyne Saciid Deni oo xilheyntiisu dhamaad tahay wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo aas-aas ah isla markaana ay tahay waajib isagoo layaab ku tilmaamay in qofka waajibkii looga mahad celiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM