Puntland: Madaxweyne Gaas oo baajiyey dabaaldag uu qabsan lahaa 8 January

Image

GAROWE- Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa baajiyey mid kamid ah xafladihii uu qaban jirey 8 January sanad walba taasoo aheyd midii ugu dambeysay 5 tii sano ee u talada Puntland hayey.

Wararka aan ka heleyno ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in xafladda 8 January ee la qaban lahaa caawa la baajiyey madaama ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo Somaliland isku horfadhiyaan meel 60 Km u jirta magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Xafladda 8 January oo ku beegan maalinta la doorto Madaxweynayaasha Puntland ayaa waxaa caado noqotey iney soo bandhigaan waxqabadkooda si siyaasadeysan.

Munasabada caawa ee baaqatey ayaa noqoneysa midda uga dambeysa Madaxweyne Gaas iyadoo 8 January 2019 Puntland ka dhici Doonto doorasho lagu dooranayo hogaanka cusub ee mamaulkaan.

Baaqashada xafladaan ayaa sidoo kale waxay dhabar Jab ku tahay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas madaama ay ku soo beegantey xilli  magalaada Garowe uu ku sugan yihiin wafti balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka laga heleyo jiida hore ay isku horfadhiyaan ciidmada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka jira baqdin xoog leh in dagaal kale ka qarxo halkaas iyadoo wararku sheegayaan in maamulka Hargeysa ciidamo xoogan ku soo gurayaan halkaas.

Dowada Puntland ayaa weli aan war rasmiya kasoo saarin dagaalkaas iyadoo Wararka hoose ee GO helayo xusayaan in Wasiiro ka tirsan xukuumada diideen iney warsaxafadeedka soo jeediyaan kuwasoo kasoo jeeda gobolada la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM