​Puntland: Madaxweyne Gaas oo dib ugu laabtay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kadib ka qayb galkiisa shirkii Kismaayo.

Mas’uul katirsan dowladda iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Boosaaso ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Bandarqaasim.

Gaas oo imaanshihiisa kusoo aaday wax yar uun kahor markii la wareejiyay maamulka dekedda Boosaaso ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo waxyaabaha usoo qabsoomay.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu tilmaamay in kulankii Kismaayo uu guul kusoo dhammaaday islamarkaana ay ka tashanayeen masiirkooda iyo kan umadda Soomaaliyeed taasoo keentay in markii dambe loo doorto hogaamiyaha madaxda maamullada dalka.

Wuxuu sheegay in madashaas aysan cidna dhibaato k u ahayn ee ay ka turjumayso wax-wada qabsi iyo iskaashi maamullada dhexmaraya taasoo ka shaqayn doonta hormarinta Soomaaliya.

Gaas ayaa sidoo kale xusay in cidna aysan duulaan ku ahayn dadka hada sida khaldan u fahamsan madashana ay dib ka ogaan doonaan waxa ay tahay xaqiiqiyan.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu soo dhaweeyay talaabada lagu wareejiyay dekedda Boosaaso, wuxuuna tilmaamay inay tahay farxad iyo guul usoo hoyotay shacabka Puntland.

Muddo dhowr cisho ah ayuu Madaxweynaha Puntland ka maqnaa magaalada Boosaaso.

Halkan ka Daawo Shirka Jaraa'id ee Madaxweyne Gaas ku qabtay Boosaaso

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM