Puntland: Madaxweyne Gaas oo ku wajahan Imaaraadka

Image

GAROWE, Puntland- Wararka soo gaaraya Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland qorshaynayo safar uu uga baxayo deegaanada maamulkan isagoo kusoo jeeda dalka dibadisa.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland, Madaxweyne Gaas ayaa maalinta barri ah la filayaa inuu aado dalka Imaaraadka Carabta oo dhawaan uu kasoo laabtay.

Socdaalkan ayaa la xariira sida uu fahamsanyahay GO, arrinta ballaarinta dekedda Bosaso, taasoo qorshaheedu kasocdo magaalada Dubai.

Dhawaan Madaxweyne Gaas ayaa dalkaas kula kulmay madaxda shirkadda qaadatay qandaraaska lagu ballaarinay dekedda Bosaso, waxaana socdaalkaas ku wehelinayay guddoomiyaha Barlamanka.

22 March, 2017  ayuu Madaxweyne Gaas dib ugu soo laabtay magaalada Garowe oo muddooyinkii dambe uu ka maqnaa, wuxuuna shir jaraa’id oo warbaahinta ugu qabtay xarunta Madaxtooyada ku sheegay in hirgalinta mashruuca dekedda uu marayo meel gabo-gabo ah islamarkaana ay dhammaystiri doonaan mas’uuliyiinta dowladda oo kamid ahaa Axmed Cali Xaashi.

Lama oga sababta keentay in Gaas uu dib ugu laabta dalkaas xilli uu sheegay inay ku filanyihiin arrimaha qandaraaskaas mas’uuliyiinta ku sugan Dubai.

Socdaalkan ayaa kusoo aaday xilli Madaxweynuhu uu wareegtooyin kala duwan maanta xilal ugu magaacabay mas’uuliyiin cusub halka kuwo kale uu shaqo fariisin ku sameeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM