​Puntland: Madaxweyne ku-xigeenka oo la shiray Ganacsato

Image

BOSASO- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ahna  guddoomiyaha guddiga abaaraha ee oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 27-Feb-2016 xarunta Madaxtooyada Bosaso kula kulmay ganacsatada reer Puntland ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kala hadlay ganacsatada  sidii ay door mug leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha aafeyey dadkii iyo duunyadii ku dhaqnayd gobollada Puntland.

Ganacsatadii kasoo qayb gashay shirka ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u sheegay inay samaysteen guddi isla markaana gudoomiye u doorteen sheekh Fu’aad  Maxamuud Xaaji Nuur oo kamid ah ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Puntland, guddigaas oo Akoonno ka furi doona bangiyada Dahabshiil, Amal iyo Salaam Bank, isla markaana ay u hawl-geli doonaan sida ugu dhaqsaha badan.

Dhanka kale kulan Garowe isugu yimaadeen qaar kamid guddiga abaaraha ee dhanka dowladda, waxay kaga hadleen taakulayntii ugu danbaysay ee ay sameeyeen isagoo tilmamay in dowladdu ku deeqday lacag dhan $156,000.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM