​Puntland: Manhaj cusub oo dugsiyada hoose/dhexe lagu wareejiyay

Image

GAROWE- Wasaaradda waxbarashada Puntland, ayaa maanta manhaj cusub ku wareejisay dugsiyada hoose, dhexe, kadib munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi ee Garowe.

Xafladda lagu wareejinayay muqararkan, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta wasaaraddda, macallimiin iyo maamullayaasha dugsiyada hoose dhexe Puntland.

Cabdullaahi Yuusuf Xuuxuule oo kamid ahaa dadkii manhajkan wax ka qoray, ayaa tilmaamay inuu yahay muqarar xambaarsan faa'iidooyin badan islamarkaana dhalinyarada iyo Ardayda dugsiyada hoose, dhexe ku jira u saamaxa inay aqoonta sare raadsadaan iyagoo dhinac walba ka dhisan, taasoo uu sheegay inay Ardayga u fududaynayso inuu ku jaah-wareero waxyaabo badan oo dugsiyada sare iyo Jaamacadaha lagu qaato.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Abshir aw- Yuusuf Ciise, ayaa tilmaamay in manhajkan wasaaraddu kasoo baaraan dagtay, islamarkaana laga reebay wax kasta oo uusan qaadan karin Ardaygu.

Qaar kamid ah maamulyaasha ayaa la hadlay Radio Garowe, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin manhajkan lasoo kordhiyay, balse waxay wasaaradda ugu baaqeen inay tababar siiso macalimiinta islamarkaa dhamaystirtu manhajkan wixii ka dhiman.

Manhajkan, ayaa ka duwan kii hore ee laga dhigay dugsiyada hoose, dhexe ee Puntland, waxaana lagu soo kordhiyay maadooyin lagu baranayo Farshaxan iyo barashada Kombuyuutarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM