Puntland: Mas'uuliyiinta Warfaafinta oo la kala saftay Garabyada NUSOJ

Image

GAROOWE, Puntland- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Puntland, Cabdirasaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduun), ayaa maanta is-hortaag ku sameeyay shir ururka NUSOJ uga furmi lahaa magaalo madaxda Garoowe.

Kulankan ayaa ahaa tababar loo qabanayay qaar kamid ah wariyaasha Puntland, kasoo ku saabsanaa Bad-baada Saxafiga iyo tabinta wararka Xasaasiga ah islamarkaana ay soo qaban qaabiyay garabka NUSOJ ee uu hogaamiyo Maxamed Ibrahim Macalimow.

Wasiir dowlaha wasaaraddaas Cabdifitax Nuur Ashir ayaa ku sugnaa goobta aqoon-isweydaarsigu ka dhici lahaa kasoo dowladdu u wakiilatay inuu furo tababarka.

Sida wararku sheegayaan markii Xafladu dhici lahayd waxaa goobta tagay Sheekh Adduun kaasoo gabi ahaanba diiday in tababarka la qabto isagoo u cuskaday inaan lala socod-siin shirkan iyo wax-yaabaha uu ku saabsanyahay.

Balse GO, ayaa fahamsan in mas'uulkan uu soo noqday Guddoomiyaha NUSOJ garabka uu hormuudka ka yahay Cumar Faaruuq, kasoo muddooyinkii dambe ka shaqaynayay arrimo ka dhan ah Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee DFS ay aqoonsantahay.

Dhinaca kale, waxaa jira Khilaaf u dhaxeeya mas'uuliyiinta Wasaaraddaas gaar ahaan Ashkir iyo Sheekh Aduun, kuwaasoo la tuhunsanyahay inay la kala safanyihiin garabyahada is-haya ee NUSOJ.

Tababarka ayaa iminka socda, kadib markii dedaal dheer ay samaysay Madaxtooyada Puntland, taasoo Sheekh Aduun u sheegtay inuusan hor-istaagi karin Barnaamij ay la socoto dowladda Puntland.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Wasiirkii Wasaaradda Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ku maqan safar caafimaad ugu maqan dalka dibadiisa.

Horay waxaa u jiray in Wariyaasha Puntland la kala safnaayeen Garabyadan, waxaana arrinta kusoo beegantay xilli dhawaan ay dhici doonto Doorashada ururka ay ku midaysanyihiin Saxafiyiinta Puntland ee MAP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM