Puntland: Maxaa ka jira in Daacish qabsatay degaano ka tirsan Bari? [Dhageyso]

Image

BOOSAASO, Puntland - Mas'uul katirsan maamulka gobolka Bari ayaa beeniyay warar warbaahintu baahiyeen oo ah in xoogaga Daacish xiriirka la leh ay la wareegeen tuulooyin ku yaalla galbeedka gobolkaasi.

Tuulooyinka la sheegay inay kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya qabsatay ayaa kala ah; Ceel-gaal, Baladhidin, Ban-xagar, Buq iyo Xamuro, kuwaasoo dhamaantooda hoos-yimaadda gobolka Bari ee koonfurta dalka.

Hasa yeeshee, Ciise Saciid Faarax [Ciise Kheyre], oo ah Gudoomiyaha degaanka Ban-xagar ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaasi, isaga oo cod dheer ku sheegay in degaanaddaan ay gacanta ku hayaan ciidamadda Puntland.

"Waa been aan sal iyo raad lahayn. Illaa iyo Ceel-gaal waxaan gacanta ku haya ciidanka Puntland. Dhulkaasi oo dhan [Galbeedka gobolka Bari] amaankiisa wuu sugan yahay, mana jiraan wararkaasi," ayuu yiri Gudoomiye Ciise.

Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa cudud ciidan ku leh Buuraleyda gobolka Bari xilli lagu eedeynayo maamulka Cabdiwali Gaas, oo muda xileedkiisu dhamaanayo inu ku fashilmay sugida amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidamada.

Weerarkii ugu dhimashadda badnaa taariikhda Puntland ayaa loo geystay ciidamadda difaaca Puntland mudadii uu jiray maamulka Cabdiwali Gaas, kaasoo dhacay bishii 8-dii June ee sanadkii 2017, waxaana ku dhintay tabaneeyo Askar.

Xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa ah meesha ugu badan oo ay weerarada ka fuliyaan Al-Shabaab iyo Daacish, xili hay'addaha amaanka lagu eedeeyay inay ka gaabbiyeen dagaalka kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM