Puntland: Maxaa ka jira in Daacish qabsatay degaano ka tirsan Bari? [Dhageyso]

Image

BOOSAASO, Puntland - Mas'uul katirsan maamulka gobolka Bari ayaa beeniyay warar warbaahintu baahiyeen oo ah in xoogaga Daacish xiriirka la leh ay la wareegeen tuulooyin ku yaalla galbeedka gobolkaasi.

Tuulooyinka la sheegay inay kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya qabsatay ayaa kala ah; Ceel-gaal, Baladhidin, Ban-xagar, Buq iyo Xamuro, kuwaasoo dhamaantooda hoos-yimaadda gobolka Bari ee koonfurta dalka.

Hasa yeeshee, Ciise Saciid Faarax [Ciise Kheyre], oo ah Gudoomiyaha degaanka Ban-xagar ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaasi, isaga oo cod dheer ku sheegay in degaanaddaan ay gacanta ku hayaan ciidamadda Puntland.

"Waa been aan sal iyo raad lahayn. Illaa iyo Ceel-gaal waxaan gacanta ku haya ciidanka Puntland. Dhulkaasi oo dhan [Galbeedka gobolka Bari] amaankiisa wuu sugan yahay, mana jiraan wararkaasi," ayuu yiri Gudoomiye Ciise.

Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa cudud ciidan ku leh Buuraleyda gobolka Bari xilli lagu eedeynayo maamulka Cabdiwali Gaas, oo muda xileedkiisu dhamaanayo inu ku fashilmay sugida amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidamada.

Weerarkii ugu dhimashadda badnaa taariikhda Puntland ayaa loo geystay ciidamadda difaaca Puntland mudadii uu jiray maamulka Cabdiwali Gaas, kaasoo dhacay bishii 8-dii June ee sanadkii 2017, waxaana ku dhintay tabaneeyo Askar.

Xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa ah meesha ugu badan oo ay weerarada ka fuliyaan Al-Shabaab iyo Daacish, xili hay'addaha amaanka lagu eedeeyay inay ka gaabbiyeen dagaalka kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM