Puntland: Maxkamadda gobolka Nugal oo fasaxday Universal TV

Image

GAROWE, Puntland- Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugal ayaa maanta go’aan ka gaartay kiis muddo soo socday oo u dhaxeeyay TV-ga Universal iyo dowladda Puntland oo ka caroortay muuqaal ku baxay barnaamijka Faaliyaha Qaranka.

Doodda saaka oo ay joogeen bahda warbaahinta iyo qareenada u doodayay labada dhinac ayaa ugu dambayntii laga soo saaray dhowr qodob oo ay ku jirtay  in la fasaxo TV-gan oo dowladda u xirnaa 32 casho.

Maxkamadda ayaa go’aamisay qodobadan;

In dib xoriyaddiisa u helo TV-ga Universan oo horay dowladdu u mamnuucday in laga daawado gudaha Puntland

In TV-ga laga qaado lacag gaaraysa $2000

Iyo in wasaaradda Warfaafintu ay bixiso lacag dhan $25,600 taasoo ah magdhow ku aadan lacagihii ka baaqday TV-ga mudadii uu xirnaa.

Intaas kadib bahda warbaahinta Puntland gaar ahaan ururka MAP, aya soo dhaweeyay go’aanka Maxkamaddu ku dhawaaqday.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa dhowr jeer oo hore amarro kala duwan ku xirtay warbaahinta Somalida qaybtood, waxayna maxkamad isla tageen hadda kahor Idaacad ku taalla magaalada Garowe oo lagu qabsaday inay baahisay war aysan dowladdu jeclahysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM