​Puntland: Moorgan oo looga guulaystay doorashada Aqalka Sare [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa socota wareegga labaad doorashada Xildhibaanada ay ugu codaynayaan murashaxiinta Aqalka Sare Barlamanka Federaalka ee matalay dowladd goboleedka Puntland.

Waxaa goor dhaweyd loo codeeyay murashaxiin kala duwan oo rag iyo dumar isugu jira, waxaana Kursiga 6aad ku guulaystay Mahad Sheekh Nuur oo helay codada gaaraya 36 cod, halka ninka la tartamayay Cabdixakiim Axmed Xaashi  uu helay 29 cod.

Kursiga 7aad, oo ay ku tartamayeen haweenk qura, waxaana booskaasi kusoo baxday Hodan Maxamud Cusmaan 35, halka Basra Maxamuud Geelle u codeeyeen 30 mudane.

Generaal Maxamed Siciid Moorgan oo aad loo saadilinayya inuu kusoo baxo doorashada Aqalka Sare, ayaa waayay kalsoonida Barlamanka Puntland, waxaana kursiga 8aad loo codeeyay Bootaan Barre Bootaan oo helay 38 cod, halka Morgan uu helay 27 cod.

Waxaa loo baxay salaadda Casar iyo qadar 30 daqiiqo ah dib la isugu soo laabtan doono

Natiijada markasta kala soco Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM