Puntland: Muumin Duqeyntii Wuu Ka Badbaaday [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" hadlay Duqeyn cirka ah oo Militariga Mareykanka uu ka fuliyay dhawaan gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas ayaa u sheegay VOA in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin uu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku ku qaadeen buuralayda Gobolka Bari.

Gaas ayaa ku tilmaamay maamulkiisa uu soo dhaweeynayo weerarada noocaas ah, ee lagu wiiqayo awooda kooxaha argagaxsada ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Cal-bari.

"Xogta aan heyno, ee Hay'adaha amniga noo sheegeen waxay sheegaysaa in labo maalmood oo isku-xigta la duqeeyay goob ay ku dhuumaalaysanayaan xoogaga taabacsan Daacish," ayuu yiri Gaas.

Wuxuu sheegay in Mareykanka howlgalkaasi xogtiisa iyo natiijadiisa la wadaagin Puntland, balse xogta uu helay ay tilmaamayso in Muumin uu ka badbaaday duqeynta ah ee Mareykanka uu fuliyay.

Mar wax laga weydiiyay Gaas in weerarkan uu la xiriiro weerarada ka dhacaya Boosaaso iyo inay jirto awooda sii kordhaysa oo halis ku ah amniga Soomaaliya iyo gobolka, ayuu ku jawaabay in duqeynta ay ahayd mid Mareykanka uu ka raadsanayay Muumin.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo ka jawaabayay cida halis badan Daacish iyo Al Shabaab, ayaa yiri: Nimankan Daacish way cusub yihiin, tiro ahaana way ka ka yeryihiin Al Shabaab-ka Buuraha Calmadow ku jira, balse annaga waa isku keen mid waa labo cadow si isku mid ahna waan ula dagaalamaynaa," ayuu hadalkiisa raaciyay Gaas.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Gaas ayaa la waydiiyay gulufka military ee ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada inuu guuleysan karo, oo Al Shabaab looga adkaan karo, isagoo ku jawaab-celiyay in taasi ay ku xiran tahay in ummada Soomaaliya hadii ay u midoobaan ay suurta tahay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM