Puntland oo ka hadashay qaraxii Galkacayo 24 saac kadib [ Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Galkacayo: Ku simaha Madaxwaynaha ahna Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Camey, oo gaaray magaalada Gaalkacyo maanta ayaa  saxaafada uga waray khasaaraha qaraxii  shalay ka dhacay xarunta gobolka Mudug Iyo dadkii  bartilmaameedku ahaa.

Camay oo kormeer ku marey goobtu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in falkaasi loola danlahaa in lagu khaarajiyo wasiiro katirsan dowladda Puntland oo goobtaasi ku suganaa, isla markaana shir uga socday halkaas balse ka badbaadeen.

Madaxwayne ku-xigeenku waxaa uu cadeeyay in dalka dibadiisa loo qaadi doono dadkii dhaawacmay, isagoona baaq u diray shacabka Puntland.

Hadalka Madaxeyne ku xigeenka Puntland ayaa imaanaya 24 saac kadib qaraxii Ka dhacey magaalada Galkacayo maalintii shaley kaasoo isaga aamuseen madaxda maamulkaas intiisa Badan. 

Madaxeynaha Puntland oo laga sugayey magalaada Galkacayo ayaa la filayaa inuu Ka baaqsado inuu tago magaladaas isagoo la sheegey inuu soo dirayo diyaarad qaada dadka dhaawac kasoo gaarey qaraxaas.

Gaas ayaa la filayaa in dalka Ethiopia uga sii ambabaxo dalka Turkiga halkasoo la sheegey inuu ka hasto casumaad madax goboleed ka tirsan wadankaas.

HALKAN KA DHAGEYSO MADAXWEYNE KU XIGEENKA OO KA HADLAY QARAXA

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM