Puntland oo aqoonsiga kala laabatay Dowlada federaalka Soomaaliya

Image
Go'aankan ayaa kasoo baxay shir degdeg ah oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE, Soomaaliya - Dowladda Puntland ayaa aqoonsiga iyo kalsoonida kala noqday hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Go'aankan ayaa imaanaya saacado uun kaddib markii baarlamaanka federaalka uu ansixiyay wax ka bedelka dastuurka cutubyada ugu horreeya kaasoo khilaaf uu hareeyay.

Warsaxaafadeed uu saxaafadda u akhriyay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayuu ku sheegay in aysan dib u aqoonsan doonin hay’adaha dowladda federaalka ah inta laga soo dhameystirayo dastuur ay ku heshiiyaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso oo ay ku jirto Puntland.

Dirir ayaa xusay in Puntland ay u dhaqmeyso sidaa dowlad madax bannaan ilaa laga helayo dowlad federaal ah oo loo dhan yahay iyo dastuur ay Puntland ku jirto oo dhan ay ku heshiiyaan, laguna ansixiyo afti dadweyne.

Go'aankan ayaa kasoo baxay shir degdeg ah oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni kana qabsoomay magaalada caasimada ah ee Garowe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM