Puntland oo ballan-qaad u samaysay reer Guuraaga

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlayay xaaladda abaaraha iyo marxaladda ay ku suganyihiin reer guuraaga ayaa sheegay inay qorshaynayaan sidii loo caawin lahaa dadka u hayaamay meelaha fog ee doonaya inay ku laabtaan deegaanadooda.

Cabdixakiim Cumar Camay, ayaa maanta saxaafadda kula hadlayay Garowe, ayaa sheegay in xukuumadda Puntland wado qorshe lagu caawinayo dadkaas maadama ay bilowday xilli roobaadka Gu'ga sidaasna keentay in dad badan ku noqdaan deegaanadooda.

Camay, ayaa xusay inay la hadleen hay'ado kala duwan islamarkaana qaybtood ballan qaadeen inay bixinayaan shidaalka.

Guddiyada abaaraha iyo culimada ayuu dhankooda ugu baaqay inay gacan ka siiyaan dowladda sidii dadkaas loogu celin lahaa goobihii ay kasoo hayaameen markii hore.

Dadka soo noqonaya ee ku sugan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugal ayuu faray inay lasoo xariiraan maamullada ka jira gobolladaas iyo ciddii kale ee ka tirsan dowladda si loogu fududeeyo safarkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan jirin cid la khasbayo maadama sida uu hadalka u dhigay ay jiraan dad badan oo kasoo safray deegaanada Somalida qaybtood.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii muddooyinkii dambe ay jireen socdaal ay wadaan reer guuraagii kasoo laabtay miyiga fog ee gobolka Bari kuwaasoo ku laabanayay meelihii ay markii hore kasoo noqdeen.

Dadka ayaa xilligan awoodi karin inay iska bixiyaan kharashaadka safarka maadama ay muddo la daalaa dhacayeen rafaadka abaarta oo wali ka taagan dhulka Somalida.

GAROWEONLINE


Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM