Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Image

GAROOWE, Soomaaliya — Dowladda Puntland ayaa beenisay warbixinta Wasiir Fiqi kahor jeediyay Aqalka Sare ee sheegayay in diyaarado ka baxa garoonka diyaaradaha Boosaaso oo agab aan la cayimin sida loo gudbiyo dalka Suudaan, oo ka socda dagaal sokeeye sanadkii 3aad.

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa hortagay Golaha Aqalka Sare si uu uga warbixiyo xaaladda amniga dalka. Intii uu hadlayay ayuu markii ugu horreysay qirtay in diyaarado ka baxa garoonka Boosaaso ay wadeen “alaabo aan la garanayn” oo loo qaaday dhinaca Suudaan.

“Haa, diyaarado way jiraan,” ayuu yiri Fiqi isagoo la hadlayay senatarrada. “Waxaan halkan iyo shacabka Soomaaliyeed hortooda ku caddeynayaa in diyaarado ka baxa halkaas ay alaabo u gudbiyaan wadamada Chad, Niger iyo galbeedka Suudaan. Waxa ay sidaan wali lama hubo, arrintaas baaritaan ayey u baahan tahay.”

Hadalladiisa ayaa yimid iyadoo ay sii xoogeysanayeen warar iyo tuhunno ay warbaahinta maxalliga ah iyo tan Carabtu ka qoreen toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo sheegayay in duulimaadyo u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan laga yaabo inay la xiriiraan colaadda socda ee Suudaan.

Bishii October, wargeyska The Guardian iyo warbaahinta Kolombiya ee La Silla Vacía ayaa si wadajir ah u daabacay warbixin sheegtay in dagaalyahanno Kolombiyaan ah oo loo qaadayay Suudaan laga dhoofiyay magaalada Boosaaso ee Puntland.

Senatarrada Soomaaliyeed ayaa wasiirka ka weydiiyay arrimo la xiriira amniga qaranka, dagaalka lagula jiro al-Shabaab, iyo wararka ku saabsan duulimaadyadaas.

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

“Waxaa la sheegayaa in mercenaries Kolombiyaan ah laga qaaday Soomaaliya, balse ma hayno xog rasmi ah oo arrintaas xaqiijinaysa,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca. “Annaga oo Muslimiin ah, haddii aan ogolaano in walaalaheen Muslimiinta ah waxyeello loo geysto si dano siyaasadeed ama maaddi ah loo gaaro, waxaan luminay wax ka weyn adduun iyo aakhiro labadaba.”

Dhanka kale, dowladda Puntland ayaa si adag u beeniyay eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay “kuwo been abuur ah oo siyaasadeysan.” Puntland ayaa sheegtay in Garoonka Boosaaso uu si buuxda ugu jiro gacanta maamulka, isla markaana aysan jirin duulimaad caalami ah oo aan fasax rasmi ah haysan.

Mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer gobol ayaa ballan qaaday in baaritaan lagu sameeyo arrinta, iyadoo cadaadis sii kordhaya lagu hayo doorka Soomaaliya ee colaadaha gobolka ka aloosan.

– Garowe Online

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM