​Puntland oo beenisay in Qandal gacantooda kusoo noqotay

Image

BOSASO, Puntland- Taliyaha ciidamada Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye, ayaa beeniyay inay gudaha u galeen degmada Qandala ee gobolka Bari.

Cabdirasaaq oo goor-dhoweyd la hadlayay laanta Afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inay kaabiga ku hayaan degmada, balse aysan gudaha u galin.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan ka tirsanayn qof magaciisa ku sheegay kornayl Cabdinaasir Caynab Cali oo loo yaqaan Xaayow, kaasoo BBC u sheegtay inuu yahay taliye katirsan ciidamada Badda oo ku sugan degmadaasi.

Admiral-ka ayaa sidoo kale sheegay inuusan waxba kasoo kordhin khasaaraha dagaal shalay dhacay oo ay ku geeriyoodeen in kabadan 7  katirsan Daacishta degmadaasi Gashay.

Khadadka taleefoonka ayaa ka go'an degmada Qandala iyo deegaanada hoos yimaada, waxaana taliyaha ciidamada badda uu sheegay inay cilladoobeen sida ay ku warameen mas'uuliyiinta shirkadda Golis ee goobahaasi Ku sugan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM