Puntland oo cambaareysey booqashadii Siilaanyo ee Laascaanood

Image

January 22, 2015 (GO)- Dowlada Puntland ayaa cambaareysey booqashadii shalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kusoo gaarey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in booqashadaasi ahayd daan daansi qaawan kaasoo aan sinaba loogu dulqaadan karin.

AKHRISO QORAALKA:

March 16, 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayaa  booqasho aan horay loo shaacin ku yimaadeen degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, halkaasoo saacado kadib ay dib uga laabteen. 

Waa markii labaad ee Siilaanyo soo gaaro Laascaanood tan iyo markii ciidamada Somaliland la wareegeen degmadaas bishii October sanadkii 2007. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM