Puntland oo cambaareysey weerarkii baska ee Degmada Mandheera

Image

November 24, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa cambaareysey weerarkii dadka badan lagu laayey ee kooxda Al-shabaab ka geysatey degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in falkaasi ahaa xasuuq waxashnimo ah islamarkaana meel ka dhac ku ah mabaadi'da Islaamka iyo bini aadamnimada.

Gaas ayaa docda kale tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya gaar ahaan qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii weerarkaas lagu diley.

Sidan oo kale waxaa weerarkaas horay ugu cambaareeyey Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka iyo weliba ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Weerarka oo lagu diley 28 qof oo macalimiin u badnaa kuwaasoo lagala degey gaari bas ah xilli ay kusii jeedeen magaalada Nairobi kadibna tacshiirad lagu furay, waxaa mas'uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM