Puntland oo daahfurtay “todobaadka dhiiragelinta cunista kalluunka”

Image
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyas Osman Lugatoor ayaa bilaabay ololahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyas Osman Lugatoor oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Hon. Abdirisak Abdilahi Xagaa ayaa daahfuray todobaadka dhiirigelinta cunista Kalluunka iyo cuntada kale ee Badda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland.

Todobaadka dhiirigelinta cunista Kalluunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland kalana shaqeeyeen Hay’adaha FAO iyo Bangiga Adduunka, ayaa lagu soo bandhigaya sida cunto ahaan loogu diyaariyo Kalluunka, loo keydiyo isla markaana loo illaaliyo nadaafadiisa.

Ku-sımaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey todobaadka la dhiirigelinayo cunista Kalluunka iyo cuntada Badda , wuxuu sheegay in ay tahay tallaabo kor loogu qaadayo ka faa’ideysiga kheyraadka Badda iyo in bulshadeenu helaan aqoon ay uga faa’ideystaan Kalluunka.

Sidoo kale waxaa la daah-furay tababar loo qabtay xirfedlayda kalluunka oo gaaraya 30 Haween ah, kuwaasi la barayo sida cunto ahaan loogu diyaariyo Kalluunka, loo keydiyo isla markaana loo illaaliyo nadaafadiisa.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Siciid Maxamed Raagge, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Maxamuud Maxamed Gabax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Sharmaarke Yaasiin, Agaasime Waaxeedyada iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa bandhigga lagu casumay Wasaaraddaha kale ee dowladda sida Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo khuburo ku xeeldheer Cuntada Badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM