Puntland oo dagaalkii Balli-khadar ku eedaysay Somaliland [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Guddiga Difaaca Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay weerar xalay ka dhacay deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari, kaasoo ay dhexmaray mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab iyo ciidamada Badda Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowladd), oo ay hareer fadhiyeen xubno katirsan golaha xukuumadda ayaa sheegay in weerarkaas ay soo qaadeen mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab iyo Somaliland.

“Dowladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabkeeda, kan Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in xalay saq dhexe June 2, 18 in Argagixisada Caalamiga ah iyo mallayshiyaadka Hargaysa oo ay hogaaminayaan saraakiil katirsan mallayshiyaadka Hargaysa,” ayuu yiri wasiir Dowlad.

Isagoo sii hadlaya wuxuu shaaciyay sarkaal katirsan maamulkaas iyo guutada uu katirsanyahay kaasoo uu sheegay inuu hogaaminayay ciidamada weerarka ka gaystay deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari.

“Saraakiishaas oo uu kamid yahay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Bataar kana tirsan guutada 8aad ee maamulka Hargaysa una dhashay beesha Isaaq (Habar-jeclo), islamarkaana dagan magaalada Ceerigaabo xalay ay weerar kusoo qaadeen saldhigga Bali-khadar ee Puntland,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka Amniga Puntland.

Wasiirka ayaa xusay in mallayshiyaadka soo duulay ay la kulmeen jab xooggan marka la bar-bar dhigo khasaaraha soo gaaray ciidamada Puntland ee saldhigaas ku sugnaa.

“Halkaas waxay kala kulmeen jab xooggan dhimasho badana kasoo gaartay, waxaa soo gaaray ciidamada Puntland khasaaro kooban si geesinimo leh, sharaf leh ayayna isaga difaaceen isagana caabiyeen,” sidaas waxaa yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Axmed Cabdullaahi Dowlad, ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyay inay ku milmeen ururka Al Shabaab islamarkaana u taaganyihiin waxyeellaynta shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo sheegay wasiirku in weerarka Balli-khadar looga danleeyahay sidii beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed looga jeedin lahaa dhibaatada ay ka wado Somaliland gobolka Sool.

Ugu dambayntii wasiirka ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin sidii Somaliland iyo Al Shabaab ay uga xorayn lahaayeen gobollada Sool, Sanaag, Haylaan, Sool iyo buuraha Calmadow.

Xalay ayay ahayd markii dagaal khasaarihiisu koobna ay mallayshiyaad hubaysan ku qaadeen deegaanka Balli-khadar oo katirsan gobolka Bari, waxaana weerarkaas ku dhintay 5 Askari halka dhaawacu gaarayo 3 kale.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ay kusoo beegeen waqtigii ay sannadkii hore ay dagaalka ku qaadeen deegaanka Af-urur ee isla gobolkaas. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM