Puntland oo Dawo iyo Dhaqaatiir u dirtay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya u dirtay deeq dawo ah iyo dhaqaatiir ka qayb qaadanaysa gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha qaraxii 14 bishan ka dhacay is-goyska Zoobe.

Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ayaa hogaaminay wafdiga la socda dawadaas oo gaaraysa 4 Tan.

Sidoo kale waxaa xukuumadda Puntland Muqdishu u dirtay 10 qof oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal caafimaad kuwaasoo qayb ka ah Ballan qaad uu dhawaan sameeyay Madaxweyne Gaas.

Xaflad kooban ayaa mas’uuliyiin katirsan dowladda ku qabteen garoonka diyaaradaha Kanooko, waxayna tilmaameen in deeqdaas ay ugu talo galeen sidii qayb Puntland uga qaadan lahayd masiibadii ka dhacday Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo hadal kooban jeediyay ayaa tilmaamay in kaalmadan ay tahay mid hordhac islamarkaana ay jiri doonaan kaalmooyin lacageed oo dowladda iyo shacabka Puntland kaga qayb qaadanayaan dhibkii Zoobe.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa sidoo kale sheegay inay ka xunyihiin masiibadii ka dhacday Zoobe iyagoo tacsi u diray umadda Soomaaliyeed islamarkaana qaraxaas ku sifeeyay mid waxashnimo ahaa oo lagu dhibaateeyay maato aan waxba galabsan.

Deeqda Puntland ay dirtay, ayaa kamid noqonaysa kaalmooyin horey loo geeyay Muqdisho oo qaybtood katimid dalalka Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM