Puntland oo dib u celinta qaxootiga ku cambaareysey Somaliland

Image

May 30, 2015 (GO)- War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu cambaareeyey qaabkii ay Somaliland ula dhaqantey qaxootigii ka yimid Yemen ee labo maalmood kahor soo gaarey dekedda magaalada Ber-bera.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan munaasib ahayn in la kala sooco dad dhibaateysan islamarkaana u baahan in gurmad bini'aadamnimo loo fidiyo.

Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto qaabilaadda iyo soo dhoweynta qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo ajaanibta ee kasoo cararaya colaadda ka aloosan dalka Yemen. 

HALKAN KA AQRISO WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM