Puntland oo dib u celinta qaxootiga ku cambaareysey Somaliland

Image

May 30, 2015 (GO)- War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu cambaareeyey qaabkii ay Somaliland ula dhaqantey qaxootigii ka yimid Yemen ee labo maalmood kahor soo gaarey dekedda magaalada Ber-bera.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan munaasib ahayn in la kala sooco dad dhibaateysan islamarkaana u baahan in gurmad bini'aadamnimo loo fidiyo.

Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto qaabilaadda iyo soo dhoweynta qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo ajaanibta ee kasoo cararaya colaadda ka aloosan dalka Yemen. 

HALKAN KA AQRISO WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM