Puntland oo gacanta ku dhigtay drones-ka qarxa iyo dabley wadday

Image
Shixnadan ayaa waxaa lagu qabtay wadada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

GAROWE, Puntland - Ciidamada dowladda Puntland ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan 7-qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisadda.

Sidoo kale, ciidamadda ammaanka maamul goboleedkan Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku guuleysteen qabashadda shan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, eedeysanayaasha iyo hubka wax gumaada ayaa lagu qabtay wadada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

Hawlgalkan ayaa tilmaamaya tallaabo muhiim ah oo lagula dagaallamayo argagixisada iyo xaqiijinta amniga iyo amniga gobolada Mudug iyo Nugaal oo maalmihii dambe xoogeystay.

Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda ay yihiin dableyda la qabtey iyo cidda lala damacsanaa in loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa wali la shaacin.

Balse, tallaabada ayaa saraakiishan waxa ay ku tilmaameen mid muujineysa sidda laamaha ammaanka Puntland uga go'an tahay xaqiijinta amniga iyo la dirirka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM