​Puntland oo hakisay doorashooyinka Aqalka hoose [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta lagu hakiyay doorashooyinka dadban ee kasocday magaalada Garowe gaar ahaan Aqalka hoose.

Qoraalkan oo la sheegay inuu daba socdo mid kasoo baxay Madaxweyne Gaas 25 November, 2016 ayaa lagu wargaliyay in ilaa amar dambe Puntland joojisay doorashooyinkii socday.

Arrintan ayaa la sheegay inay la xiriirto kuraaska Aqalka hoose ee ka imaanaysa Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo ay ku muransanyihiin maamullada Puntland iyo Somaliland, taasoo qoraal dhawaan uu soo saaray Guddoomiyaha Barlamanka waqtigu ka dhammaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku qaybiyay kuraasta halkaas ka imaanaysa.

25 bishan, ayaa Madaxweyne Gaas arrintaas ka hadlay isagoo xusay inay tahay arrin aan u ollin Jawaari, balse xal ka gaari karaan madaxda Madasha oo kaliya.

Wuxuu ugu baaqay xubnahaas iyo beesha Caalamka in la joojiyo qoraalada xalka looga gaarayo arrimaha jira, isagoo xusay inay tahay tallaabadaas Jawaari mid lagu carqaladaynayo doorashada Aqalka hoose.

War-saxaafadeedka Camay, ayaa u muuqda mid ay isku raacsanyihiin Madaxweyne Gaas.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Federaalka Somalia iyo Guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM