Puntland oo iska fogeysay dagaalka magaalada Laascaanood

Image
War-saxafadeedka Madaxtooyada ayaa imaanaya xilli Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland booqasho ku tageen isbitaalka guud ee magaalada Garowe

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa sheegtay in aysan dagaalka Laascaanood qeyb ka aheyn, una dhaxeeya dadka deegaanka oo is difaacaya iyo ciidanka Somaliland oo awood u adeegsanaya.

Maamulka ayaa cambaareeyay ficilada ciidanka Somaliland ee gumaad ah iyo hadalada Madaxda maamulka ee ah in ay dadka SSC yihiin argagixiso, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Puntland.

War-saxafadeedka Madaxwtooyada ayaa imaanaya xilli wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland booqasho ku tageen isbitaalka guud ee magaalada Garowe halkaas oo ay ku booqdeen dhaawac laga keeney magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale, Dani ayaa magaalada Garowe ku soo daabuley ciidamo farabadan kuwaas oo raba iney diiwaan-gelinta doorashada golayaasha degaanka ee la isku khilaafsan yahay si qasab ah ku hirgaliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM