Puntland oo isku-diyaarinaysa ciribtirka Ayaxa kasoo gudbay Yemen

Image
Ayaxan oo noociisa lagu tilmaamay African Migratory Locust ayaa laga sheegay dhulka xoolo dhaqatada gobolka Karkaar.

GAROWE, Puntland - Ayax cusub oo kasoo gudbay dalka Yaman, kuna cusub Soomaaliya ayaa ku deggay dhulka xoolo daaqeenka ee gobolka Karkaar gaar ahaan deegaanka hoos yimaada degmada Qardho.

Wasiirka beeraha Puntland Axmed Shire, Maamulka gobolka Karkaar, taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar, shaqaale ka tirsan wasaarada iyo masuuliyiim kale ayaa booqday dhulka uu ayaxu kusoo deggay.

Khuburada wasaaradda Beeraha ayaa Ayaxaan ku sheegay nooc ku cusub degaanadda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana lagu magacaabaa African Migratory Locust.

Wasaaradda ayaa hada isu diyaaarinaysa hawlgal control ah oo la gula dagaalamayo Ayaxaan iyadoo Isla asbuucan loo dirayo baabuurta iyo kooxaha la dagaalama ayaxa ee ka hawlgala xarunta la dagaalanka ayaxa ee Qardho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM