Puntland oo ka digtay shidaal baarista Somaland gobolka Sool

Image

09 December, 2015(GO)-Dowladda Puntland ayaa ka hadashay howlo shidaal baaris iyo sahamin isugu jirta oo maamulka Somaliland ka waddo deegaano ka tirsan gobolka Sool .

Wasiirka wasaaradda warafaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade oo la hadlay BBC, ayaa cadeeyay in maamulkaasi uu faraha kula jiro waxyaabo ka baxsan qaanuunka caalamiga ah, maadama Somaliland weli haysan aqoonsi siinaya inay shidaal la soo baxdo.

Soocade, ayaa xusay inay jiraan abaabul ka yimi shacabka ku nool goobaha la sheegay in shidaalka laga soo saarayo, wuxuuna ka digay qalalaaso ka dhasha.

Goobaha howaashi laga wado ayuu xusay wasiirku inay ka tirsanyihiin dhulka Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale fariin u diray beesha caalamka iyo shirkadda ajnabiga ah ee qandaraaska qaadatay, isagoo xusay inaysan masuul ka noqon doonin waxyaabaha la soo gudboonaada.

Maaha markii ugu horaysay deegaano ka tirsan gobolka Sool laga sameeyo sahamin la xiriirta shidaalka ku jira, waxaana laga wadaa deegaanka Hol-Hol.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii dagaal ku dhexmarey magaalada Galkacayo dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug kuwasoo dowlada Federaalka iyo madaxda Jubaland, Koonfur galbeed heshiis dhex dhigeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM