Puntland oo ka hadashay Beerihii ku gubtay Isku-Shuban [Dhagayso]

Image

15 Octobar, 2015(GO)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Puntland ayaa ka waramay dab dhawaan qabsaday Beero ku yaalla degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari.

Dr Ibraahim Aadan Xareed oo la hadlay Radio Garowe ayaa xusay in Beeralaydii khasaaruhu soo gaaray u geeyeen 300 Geed, isla markaana qiimeeyn ku soo sameeyeen dhibkii dhacay.

Hay'adaha deeq bixyaasha ah ayuu ku dhaliilay inaysan gacan ka gaysan sidii dib u kabasho loogu samayn lahaa Beeralayda Isku-Shuban.

Agaasimaha ayaa xusay in khasaarihii dhawaan dhacay uu saamayn ku yeeshay dadka deegmadaasi, kuwaas oo ku tirsanaa wax soo saarka Beeraha, wuxuu xusay inay degmada ka sameeyeen tababaro kala duwan oo ku aadan in dadka deegaanka la baro beerashada dalaga.

Dab khasaaro badan dhaliyay ayaa dabayaaqadii Septembar ka dhacay degmadaasi, waxaana gubtay in ka badan 6600 Geed, wuxuuna ka dhashay dab cunno lagu karsaday oo Beeralayda qaybtood uga tageen xilli dabayl xooggan ka dhacaysa Isku-Shuban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM