Puntland oo ka hadashay diiwaangalinta Somaliland ka wado Sanaag

Image

GALKACYO, Puntland- Wasiirka Wasaaradda Amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta 16-July-2016 shir Jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada dowladda  ee magaalada Gaalkacyo ayaa farriin u diray maamulka Somaliland oo maalimihii ugu dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadey gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Qarjab,  ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu daan-daansi qaawan ka wado qaybo kamid ah gobollada Puntland isla markaana ah meelo kusoo caano maalay nabad iyo xasillooni gaamurtey.

Wasiir Qarjab ayaa sidoo kale tilmaamay in aanay munaasib ahayn xilligaan in sabab loo noqdo dhiig Soomaaliyeed oo daata, isla markaana loo baahan yahay in ay xukuumadda Hargaysa ka waantowdo fadqalaladaha ay ka wado dhulka nabadda ah ee Puntland, sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay dawladda Puntland nabad ka qaadanayn daan-daansiga  lagu hayo dalkeeda iyo dadkeeda.

“Maanta looma baahna in inta lasoo abaabulo dagaal dhexmara Puntland iyo Somaliland  la daadiyo dhiig Soomaaliyeed, waanan cambaaraynaynaa arrintaasi, balse waxaan idiin caddaynayaa in aanay  dawladda Puntland nabad ka qaadanayn cid walba oo ku soo xad gudubta xuduudeheeda,” Ayuu yiri Wasiir Qarjab.

Wasiirku waxa uu kaloo sheegay in aanay dawladda Puntland cidna duullaan ku ahayn, ayna diyaar u tahay nabad iyo deris wanaag kula noolaato cid walba ay xuduud wadaagaan, waxaase  uu biyo kama dhibcaan ku tilmaamay in aanay Puntland wax gor-gortan ah ka geleyn xuduudeheeda, wixii cawaaqib xumo ah ee halkaasi ka yimaadana ay dusha u ridan doonto maamulka Somaliland.

Ugu dambayn, Wasiirka Amnigu waxa uu ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha caalamkaba in ay isha ku hayaan daandaansiga iyo nabad-gelya darrada uu maamulka Somaliland ka wado gobollada  Puntland, waxaana uu u sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata duullaankaasi ay dusha u ridan doonto maamulka Somaliland.

Hadalka Qarjab ayaa kusoo aaday gobolka Sanaag ka bilaabatay diiwangalinta cudbixiyaasha doorashooyinka maamulkaasi, waxaan tan iyo markii xukunka qabtay madaxweyne Gaas faraha kasii baxayay gobollada muranku ka taaganyahay iyadoo Somaliland si cad isug ballaarisay labadaasi gobol.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM