Wasiirka degaanka Puntland oo ka hadlay kulanka Muqdishu.

Image

MUQDISHU:  Kadib markii galabta uu burburey kulan madaxda Somalida isugu yimadeen Muqdishu ayaa idaacada Radio Graowe waxey wareysi kala yeelatey wasiirka degaanka Puntland Dr.Cali Cabdulahi Warsame oo kamid ah waftiga madaxweynaha Puntland ee ku sugan Muqdishu.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in kulankaan buburey kadib markii madaxweynaha dowlada Federaalka la yimid goobta  go'aan aan lagu heshiin.

Dr.Cali Cabdulahi Wrasame ayaa ka hadley mowqifka Puntland ee ku aadan kulanka Muqdishu uga socda madaxda Somalida.

Madaxweynaha Somalia ayaa madasha shirka ka shegeey in madaxda federaalka go'aamisey in aqalka hoose lagu soo dhiso 4.5 halka aqalka sare Puntland iyo Somaliland loogu daro mid sadex xubnood.

Go'aankaan ayaa waxaa ka horyimid maamulka Puntland iyo Jubaland halka gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Federaalka islamrkaana ah ku-simaha aqalka wakiilada Somalia Mahad Cabdalla Cawad sheegey ineysan ka warheyn hesiiska madaxweynaha Somalia xusey.

GAROWEONLINE kala soco wararkii ugu dambeeyey ee kulankaan.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM