Puntland oo ka Jawaabi doonta go’aankii Barlamanada Soomaaliya

Image

GAROWE- Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socda kulan ay leeyihiin guddi wasiiro ah oo kawada xaajoonaya jawaabtii dowlada Puntland ka bixin laheyd go’aankii Barlamanada Soomaaliya kasoo saareen shirkada DP World.

Guddigaan oo Madaxweyne Gaas u saarey iney qoraal kasoo saaraan mowqifka ay Xukuumadiisu ka qaadan karto go’aankii Barlamanada Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa iney mowqifkooda soo hordhigaan shirka Golaha Wasiirada oo la filayo in maalinta Khamiiista ka dhaco magaalada Garoowe.

Waxaa yar wararka laga helayo kulankaas balse warsidaha GO ayaa fahansan in qoraal Dabacsan xukuumadu kasoo saari doonto qaraarka Barlamanada Fedraalka kasoo shirkada DP lagaga mamnuucey iney ka shaqeyso dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa aamusnaantiisa ku aadan qaraarkaan waxaa uu eedeymo kala kulmey qaybo kamid ah shacabka Puntland gaar ahaan kuwooda isticmaala baraha bulshada.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa heshiis muddo 30 sano ah shirkada P&O oo hoos timaada DP lasoo galey sanadkii 2017 kaasoo ay maamuli doonto dekada magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa horey u diidey go’aanka Barlamaanada Federaalka Soomaaliya isagoo ku tilaamey inuusan khuseyn maamulkiisa madaama uu horey ugu dhawaaqey madaxbanaani.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM