Puntland oo ka qayb galaysa shir amniga ku saabsan oo Nairobi ka dhacaya [Dhagayso]

Image

03 Octobar, 2015(GO)-Shir looga hadlayo amniga oo ay ka qayb galayaan xubno ka socda maamullada dalka iyo Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka dhacaya dalka Kenya gaar ahaan Nairobi.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo Puntland shirkaasi uga qayb gali doona ayaa warbaahinta u sheegay in looga hadli doono adkaynta ammaanka iyo xog isweydaarsi ku saabsan sidii loo tayayn lahaa ciidamada.

Dhanka Puntland ayuu xusay Qarjab inay ka faa'iidi doonto tayayn iyo tababaro la siiyo ciidanka booliiska.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dadaalada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha ka jira qaybo ka mid ah gobolada Puntland, waxaana uu xusay in meel wanaagsan marayso.

Shirka Nairbi, ayaa socon doona Saddex bari, waxaana ka qayb gali doona Hay'ado taageera ammaanka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shalay Garowe uu soo gaaray Taliyaha ciidanka booliiska Puntland oo Muqdishu uga qayb galay kulan ku saabsanaa wadashaqaynta ciidamada booliiska Dowladda Federaalka Somalia iyo maamulladda.

Dalka Maraykanka ayaa dhawaan shaaciyay in lacag gaaraysa 1 million oo doolar ku bixin doono ciidanka booliiska Somaliyeed, waxaana lagu bixin doonaa sida qorshuhu yahay qalabayn iyo tababaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM