Puntland oo ka qayb galaysa shir amniga ku saabsan oo Nairobi ka dhacaya [Dhagayso]

Image

03 Octobar, 2015(GO)-Shir looga hadlayo amniga oo ay ka qayb galayaan xubno ka socda maamullada dalka iyo Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka dhacaya dalka Kenya gaar ahaan Nairobi.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo Puntland shirkaasi uga qayb gali doona ayaa warbaahinta u sheegay in looga hadli doono adkaynta ammaanka iyo xog isweydaarsi ku saabsan sidii loo tayayn lahaa ciidamada.

Dhanka Puntland ayuu xusay Qarjab inay ka faa'iidi doonto tayayn iyo tababaro la siiyo ciidanka booliiska.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dadaalada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha ka jira qaybo ka mid ah gobolada Puntland, waxaana uu xusay in meel wanaagsan marayso.

Shirka Nairbi, ayaa socon doona Saddex bari, waxaana ka qayb gali doona Hay'ado taageera ammaanka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shalay Garowe uu soo gaaray Taliyaha ciidanka booliiska Puntland oo Muqdishu uga qayb galay kulan ku saabsanaa wadashaqaynta ciidamada booliiska Dowladda Federaalka Somalia iyo maamulladda.

Dalka Maraykanka ayaa dhawaan shaaciyay in lacag gaaraysa 1 million oo doolar ku bixin doono ciidanka booliiska Somaliyeed, waxaana lagu bixin doonaa sida qorshuhu yahay qalabayn iyo tababaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM