Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Image
Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

Garowe, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland Cusmaan Ilyaas Lugatoor, ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, isaga oo ka qeyb galay dood lagu dhigay barta X ee horey loogu yaqaan Twitter.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku eedeeyay madaxda Federaalka inay dalka u horseedayaan wadadii kalitalisnimada, wuxuuna intaas ku daray in Soomaaliya ay isu rogtay nidaamka kalitalisnimada 30-Sano ka dib.

Wuxuu si weyn u dhaliiilay dastuurka ee dhawaan Golaha Shacabka ansixiyeen 4ta Cutub ee ugu horreeya, isaga oo sheegay in oo gogol xaar u yahay dalka in laga hirgeliyo Dowlad Dhaxe oo awoodda isku soo koobta.

Hadalka Madaxweyne ku Xigeenka ayaa qeyb ka ah hadallo ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ay ku diideen tallaabada halka dhinaca ah ee uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku hirgeliyo dastuurka Cusub.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa dhankiisa yiri: "Dagaalka siyaasiga ah ee dawladda Xasan Sheekh waxaa ku soo biiray dagaal diini ah oo ay nagu soo qaadeen Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis".

Khilaafkan Salka ku hayo hanaanka dowladnimada iyo qabyo tirka Dastuurka ayaa laga cabsi qabaa in uu sabab u noqdo in bulshada Caalamka ay kalsoonida kala noqoto dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM