Puntland oo diidey Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya [DHEGEYSO]

Image

August 12, 2015 (GO)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa sharci darro ku tilmaamay Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyey baarlammaanka Dowladda Federaalku ka doodayeen.

Soo-Cadde oo shir-jaraa'id ku qabtey xafiiskiisa Garowe,. wuxuu sheegay in xeerkaasi yahay mid qoraalkiisa


‘’Xeerkan lagama talo galin dhamaan maamullada ka jira dalka iyo shirkadaha isgaarsiinta, xeerkani wuxuu awood aan Xad lahayn siinayaa Guddiga Isgaarsiinta ee ay magacowdey Dawladda Federaalkee, haba yaraatee wax tixgalin ah uma samaynayo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Sirkadaha Isgaarsiinta" ayuu yiri.


Maxamuud Xassan Soocade ayaa dhanka kale xusay in xeerkani horseedayo in shirkado  aJaaniib ah gacanta loo galiyo isgaarsiinta dalka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa xeerkan horay usoo ansixiyey May 16, 2015.

Qodobada xeerkaas waxaa kamid ah in Dowladda Federaalku mas'uul ka tahay furaha Soomaaliya ee 252, hirarka hawada ee idaacadaha iyo shirkadaha isgaarsiintu adeegsadaan iyo weliba in cashuur laga qaadi doona dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ee ka hawlgala guud ahaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM