Puntland oo ku dhawaad Nus Malyan doollar ku wareejisay DFS

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Deeq laga soo aruuriyay dadweynaha Puntland oo gaaraysay, $4091.107 ayaa xalay oo taariikhdu ahayd 07 Nov 2017 lagu wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya si loogu gurmado dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxii Zoobe ee dhacay 14 October.

Xafladda lagu wareejinayay deeqdaas ayaa ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, masuuliyiin ka tirsan golayaasha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah dawladda DFS, Guddiga Gurmadd ka heer qaran, culimo, waxgarad, siyaasiyin, masuuliyiin kale iyo qaar kamid ah shacabka Caasimadda Soomaaliya.

Guddiga Puntland u wakiilatay inay qaadaan lacagtaas ayaa xafladda ka sheegay in deeqdan loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe.

Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shacabka reer Puntland uga mahadnaqay darenka walaatinimo ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobey musiibadii Zoobe, isagoo xusaay in si wada jir ah shacabka Soomaaliyeed uu dhabar jab ku yahay cadawgooda, taasna ay tusaale u tahay hiilka maanta Puntland iyo shacabkeedu walaalahooda reer Muqdisho ay ugu soo gurmadeen,

Madaxda maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhankooda mahad celin u jeediyay Puntland iyo shacabkeeda, waxayna tilmaameen inay dhankooda diyaar u yihiin caawinta umadda Soomaaliyeed.

Waa maamulkii ugu horeeyay oo lacag ku dhow Nus Malyan doollar gaarsiiya magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya bishii hore, kaasoo galaaftay nolosha ku dhawaad 400 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM